Laascaanood – 12 Abriil 2025 – Taliska Booliska ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah u shaaciyay in gabi ahaanba la joojiyay isku socodka gaadiidka ee magaalada Laascaanood laga bilaabo 12-kii habeenimo ee xalay, iyada oo amarkan uu qeyb ka yahay qorshaha sugidda amniga ee la xiriira booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in aan wax gaadiid ah kasoo geli karin magaalada Laascaanood baraha koontarool ee waaweyn, isla markaana ay ciidamada Booliska oo garabsanaya guddiga qabanqaabada amniga wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay fasaxeen oo kaliya gaadiidka sida xubnaha dowladda.
Sidoo kale, waxaa amar gaar ah laga soo saaray gaadiidka dadweynaha, gaar ahaan kuwa nooca bajaajta, inaysan marin qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada sida Wadada Wadnaha.



