Falastiin (Dawan)- Ciidamada Israel ayaa xoog ku galay xafiiska Aljazeera ee magaalada Ramallah, waxayna ku qasbeen shaqaaalihii ku sugnaa inay joojiyaan shaqada kana baxaan xafiiska.
Ciidamadu waxa ay sidoo kale soo saaraan go'aan manuucaya in xafiisku shaqeeyo muddo 45 maalin ah, waxayna ciidamadu qaateen dhamaan qalabkii xafiiska, sida ay sheegeen wakaaladda wararka Falastiin iyo TV-ga Aljazeera.
Muuqaalo uu baahiyay TV-ga Aljazeera ayaa muujinayay ciidamo aad u hubeysan oo gudaha u galay xafiiska , waxayna agaasimaha xafiiska, Waliid Al-cumari ku wareejinayaan amar ciidan oo ah in la xiro xafiiska muddo 45 maalmood ah.
Ciidamada Israel ayaa joojiya baahinta wararka ee xafiiska, waxayna sidoo kale shaqaalaha u diideen inay isticmaalaan gawaaridooda ama inay ku howlgalaan waddooyinka, sida uu sheegay Waliid Al-cumari





