Addis Ababa (Dawan)- Todobo ka mid ah madaxda sare ee jabhadda Oromada ee OLF ayaa laga sii daayey xabsi ay ku jireen in ka badan afar sano, iyada oo aan wax dembi ah lagu soo oogin.
Xabsi siyaasadeed
Dhowr jeer oo ay Maxkamadi amartay in lasii daayo todobadan hoggaamiye ayaan la fulin sida ay sheegaty qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya oo soo xiganeysa mas'uuliyiin ka tirsan Jabhadda OLF.
Shakhsiyaadka la sii daayay ayaa kala ah Cabdi Regassa, Lemi Begna, Dawit Abdeta, Michael Boran, Kennessa Ayana, Gada Oljira, iyo Gada Gabisa. Xubnahan sare ee OLF waxa ay ku jireen gacanta Boliiska tan iyo 20020.
Qareenka u doodaya maxaabiista ayaa xaqiijiyay in siideyntoodu aysan ahayn natiijo ka dhalatay go’aan maxkamadeed oo cusub, maadaama ay maxkamaduhu marar badan horay usoo saareen in dib loo siiyo xorriyaddooda. Waxa uu xusay in ugu dambeyn Boliiska go'aansaday in la fasaxo maadaama aysan jirin wax dembi ah oo ay galeen.
Hogaamiyayaasha OLF waxaa la xiray inta u dhexeysay sannadihii 2020 iyo 2021, kadib markii la dilay sarkaal ka tirsan Boliiska iyo fannaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa, inkasta oo lagu waayay inay ku lug lahaayeen dilalkaas.



