Addis Ababa (Dawan)- Diyaarad milateri oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa Sabtidii ku dhacday magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada, sida ay Wakaalada Wararka Anadolu kasoo xigatay warbaahinta maxalliga ah.
Shilka ayaa ka dhacay xilli duhuradii ku beegan, iyadoo diyaaradda ay ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Belay Zeleke International, balse faahfaahin dheeri ah lagama hayo sababaha shilka iyo haddii ay saaran yihiin mas'uuliyiin milateri ama kuwa kale oo ka tirsan dowladda.
Sidoo kale, waxaa la joojiyay dhammaan duulimaadyada garoonka magaalada Bahir Dar, oo ay ku jiraan duulimaadyada shirkadda diyaaradaha Itoobiya, sida ay sheegeen rakaabka iyo ilo xog-ogaal ah.


