Addis Ababa (Dawan)- Itoobiya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa sare u qaaday dadaallada wax looga qabanayo tahriibka kadib musiibo dhowaan ka dhacday xeebaha Jabuuti, halkaasoo 48 muhaajiriin Itoobiyaan ah ay ku dhinteen.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Berhanu Tsegaye, ayaa sheegay in 56 tahriibayaal ah si nabad ah diyaarad lagu celiyay Itoobiya, taasoo ah tallaabo ballaaran oo Itoobiya ay ku dooneyso inay ku xakameyso qulqulka tahriibayaasha u bareeray inay naftooda gelinaan halis.
Danjire Tsegaye waxa uu iftiimiyay khatarta ka jirta wadada isku xitta Itoobiya, Jabuuti iyo Yemen iyo shabakadaha ka faa'iideysanaya dadka tahriibiya kuwaas oo maalin kasta ay dhibaato soo gaarto.
Tsegaye ayaa ku booriyay waalidiinta inay ka warqabaan carruurtooda, si looga fogaado halista ay la kulmaan dhallinyararada Itoobiya ee tahriibaysa.
Dawladda Itoobiya oo kaashanaysa IOM, waxay sii waddaa xoojinta wacyigelinta iyo tallaabooyinka amniga xuduudaha si looga hortago khasaare kale oo nafeed.



