Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar, uu Addis Ababa cabasho iyo cambaareyn rasmi ah ugu gudbiyay dhiggiisa Itoobiya, Safiir Mesganu Arega, taas oo ku saabsan falalka ciidamada Itoobiya ee Doolow. Wasiiru-dowlaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas.
Dhankiisa, Safiir Mesganu Arega ayaa ballanqaaday in Itoobiya ay diyaar u tahay inay bilowdo baaritaan degdeg ah si loo xaqiijiyo wixii dhacay.



