Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay si adag ugu beenineyso eedeymaha ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ee ku saabsan weerar la sheegay in ciidanka Itoobiya ay ku qaadeen magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Itoobiya ayaa ku tilmaantay eedeymahaas kuwo "aan sal iyo raad lahayn."
“Itobiya ayaa ka xuntahay bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ee 23-ka Diseembar 2024, kaas oo si aan xaqiiqo ku dhisnayn ugu eedeynaya ciidamada Itoobiya inay ku lug lahaayeen dhacdo ka dhacday Doolow. Eedeyntan waa mid aan sal lahayn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, Itoobiya ayaa ku eedeysay in xaaladda Doolow ay tahay shirqool ay wadaan xoogag saddexaad oo doonaya inay carqaladeeyaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo nabadda ka dhexeysa labada dal. Waxay tilmaantay in kooxahan ay si joogto ah u burburiyaan xasilloonida Geeska Afrika, iyagoo uga gol leh inay kala fogaadaan labada dowladood.





