Addis Ababa, 13 December 2025 (Dawan)- Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa xaqiijisay kiis cusub oo cudurka fayraska Marburg ah, kaas oo tirada guud ee dadka uu haleeeklay cudurkan ka dhigeysa 14 qof
War-saxaafadeed ay wasaaradda soo saartay maanta, waxaa lagu sheegay in kiis dheeri ah la diiwaangeliyay, taasoo calaamad u ah inay taagantahay halista cudurkan, inkasta oo aan muddo todobaad ah la diiwangelin qof qaba cudurka. Bukaanka cusub ayaa hadda lagu geeyay Isbitaalka Guud ee Jinka, si loo baxnaaniyo, iyada oo aan faahfaahin dheeri ah laga bixin xaaladdiisa.



