Addis Ababa (Dawan)- Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Sidara ayaa soo gebagabeeyey heshiis lagu dhisayo garoonka ugu weyn Afrika oo ay wajiga kowaad ku baxayso lacag dhan 6 bilyan oo dollar oo dayn ah.
Garoonka cusub ayaa laga dhisi doona magaalada Bishoftu oo 45 KM u jirta caasimadda Addis Ababa, dhismihiisuna wuxuu dhammaan doonaa 2029.
Garoonkan oo laga dhisayo dhul baaxaddiisu dhan tahay 35 KM oo isku wareeg ah, ayaa waxa u adeegi doona in ka badan 100 milyan oo rakaab ah sannadkii marka la dhamaystiro, sida uu sheegay Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew
Tasew ayaa intaas ku daray in garoonku yeelan doono 4 dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan, kana soo degaan, waxa uuna qaadi doona ilaa 270 diyaaradood.
Qaar ka mid ah warbaahinta Imaaraadka ayaa tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu wayn qaaradda afrika.
Garoonka caalamiga ah ee Bole waxa uu hadda awood u leeyahay inuu u adeego 25 milyan oo rakaab ah sannadkii.
Awoodda iskaashiga labada dal ee dhanka ganacsiga
Iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee ka dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xowli ku socday sannadihii lasoo dhaafay, waxaana la arkaayay booqashooyinka ay is dhaafsanayeen madaxda labada dal iyo heshiisyada waaweyn ee ay kala saxiixdeen.





