Addis Ababa (Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa ka codsan doonta dowladaha ku leh deymaha in laga dhimo lacagta faraha badan ee lagu leeyahay kadib marka uu shiinuhu ka cafiyo deymaha, sida uu sheegay agaasime ku xigeenka hay'adda lacagta adduunka ee IMF.
Horraantii 2021, dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa codsaday dib u qaabeynta deynta lagu leeyahay iyada oo la raacayo qaab-dhismeedka guud ee kooxda 20, oo ah hindise dib-u-qaabaynta deynta ee loogu talagalay waddamada dakhligoodu hooseeyo.
Horumarka Itoobiyo waxaa cakiray dagaal sokeeye oo socday labadii sano ee lasoo dhaafay kaas oo bilowday Noofambar 2020, iyada oo ay ka dhalatay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca malaayiin kale.
Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa bishii Agoosto sheegay in Shiinuhu uu u oggolaaday in Itoobiya ay hakiso bixinta deynta sannad-maaliyadeedka oo soconaya illaa 7da Luulyo, 2024.
Booqashadii ay shaqaalaha IMF ku tageen Itoobiya 25-kii Sebtember ilaa 3-dii October ayaa ku dhamaaday heshiis la’aan.



