Johannesburg (Dawan)- Dowladaha ku bahoobay BRICS ayaa sii xoojiyay isabaheysigooda kadib markii ay ogolaadeen in ay kusoo biiraan lix dowladood oo cusub.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa xaqiijiyay in shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Johannesburg lagu ogolaaday in dowladaha Itoobiya, Iiran, Sacuudi Carabiya , Imaaraadka Carabta, Masar iyo Argentina ay kusoo biiri karaan isabaheysiga BRICS, laga bilaabo Janaayo 2024.
Ra'iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed oo shirka ka qeyb galay ayaa aad usoo dhaweeyay in dalkiisa loo ogolaado ka mid noqoshada isbaheysiga BRICS, wuxuuna ku tilmaamay tillaabo hore loogu qaaday iskaashiga dunida.
“ Xilli aad u wanaasgan ayay u tahay Itoobiya, maadaama madaxda BRICS ogolaatay ku biirista Isbahayesigaan. Itoobiya waxay diyaar u tahay inay cid kasta kala shaqeyso sidii loo heli lahaa nidaam caalami ah oo loo dhan yahay “ ayuu bartiisa X kusoo qoray ra’iisul wasaare Abiy Axmed.



