Addis Ababa (Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa noqotay dalkii seddexaad ee Afrikaan ah oo ku fashilantay in ay iska bixiso deyn gaareysa 33 milyan oo dollar taas oo ku jadwaleysan bishan December.
Lataliyaha sare ee dib u habeynta Maaliyadda, Xingat Shamil ayaa xaqiijiyay in lacagtaas aan la bixin doonin, xilligii loogu tala galay.
Itoobiya ayaa ku sababeysay dib u dhaca ku yimid deyn bixinta culeysda dhaqaale ee soo wajahay ka dib masiibada Covid-19 iyo dagaal sokeeye oo socday muddo laba sano ah .





