Itoobiya (Dawan)-Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa walaac xoogan ka muujiyay dagaaladii bishaan ka dhacay gobolka Axmaarada ee woqooyiga dalkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan oo rayid ah.
Iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo loo yaqaanno “Fano” ayaa ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Axmaarada.
Afartii bishaan Agoosto, xukuumadda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ayaa kusoo rogtay bandoow gobolka Axmaarada, taas oo keentay in dagaalku yaraado maalmihii lasoo dhaafay.
Rabshadaha ka taagan dalka Itoobiya ayaa dhaliyay walaac laga qabo xasilooni darro ku timaada dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, todobo bilood ka dib markii heshiis nabadeed laga gaaray colaad 2 sano ka taagneyd gobolka Tigray.
Hay’adda madaxa banaan ee xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa sheegtay in dagaalka ka socda gobalka Axmaarada la isku adeegsaday hubka culculus, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawaca dad rayid ah, iyo sidoo kale khasaare hantiyeed.



