Kazan (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa gaaray magaalada Kazan ee dalka Ruushka, si uu uga qeyb galo shir madaxeedka 16-aad ee dalalka BRICS. Waxaa garoonka caalamiga ah ee Kazan ku soo dhoweeyay madaxweynaha Tatarstan, Rustam Minnikhanov, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Tatarstan.
Itoobiya waxay xubin buuxda ka noqotay BRICS Janaayo 1, 2024, ka dib go'aan ka soo baxay shirkii 15-aad ee BRICS ee ka dhacay magaalada Johannesburg Agoosto 2023.
Shir madaxeedka sanadkan ee Kazan waa kii ugu horreeyay oo ay Itoobiya ka qayb gasho iyada oo xubin buuxda ka ah BRICS, waxaana la mid ah xubnaha kale ee cusub sida Masar, Iran, Sacuudi_Arabia, iyo Imaaraadka Carabta.
Waxaa la qorsheeyay in shirku dhaco 22-ka ilaa 24-ka bishaan Oktoobar, iyada oo ay goob joog yihiin Hogaamiyaal ka kala socda in ka badan 30 wadan oo isagu jira xubnaha BRICS iyo dowlado kale oo lagu casuumay.





