Jig-jiga (Dawan)- War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga isku dhafka ah ee Amniga Itoobiya ayaa lagu sheeegay in la fashilliyay weerar ay kooxda Al-shabaab ku dooneysay in ay ka fuliso magaalooyiinka Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyada oo gacanta lagu soo dhigay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
"Gudiga isku dhafka ah ee Amniga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in la fashiliyay falal argagixiso oo ay kooxda Al shabaab ka fulin rabeen magaalooyinka DDS, lagu na soo qabtay 14 xubnood oo ka tirsan kooxda argagixisada Al-Shabaab" ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in xubnaha la qabtay uu ka mid yahay Cali Cabdi oo loo yaqaano Macallin Cali oo ah hogaamiyaha xiriirka kooxda Al-Shabaab.

Xubanaha la qabtay ayaa la sheegay in ay qorshaynayeen in ay weeraro ka geystaan Magaalooyinka Jigjiga, Degmada Fiq ee Gobolka Erer, magaalada Wardheer ee Gobolka Doollo iyo Degmada Biki ee Gobolka Sitti ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, sida lagu sheegay warbixnta Guddiga sku dhafka ah ee Amniga Itoobiya
Howlgalka ay saameeyeen Ciidamada Amniga Ioobiyaa ayaa sioo kale lagu soo qabtay hubka nuucyadiisa kala duwan, sida war-saxaafadeedka lagu xusay.
"Hawlgalo ay Ciidamada Amnigu ka sameeyeen Magaalooyinka Ma'eyso ee Gobolka Sitti, Magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda, magaalada Wardheer iyo nawaaxigeeda, Degmada Higloley ee gobolka Qoraxay iyo waliba Magaalada Fiq ee gobolka Erer ayaa lagu soo qabtay hub ka kooban 84 Ak, 10 nooc oo walxaha qarxa ah iyo 12 qori oo waawayn".




