Addis Ababa (Dawan) – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday musharrixnimadeeda martigelinta shirweynaha caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee Qaramada Midoobay (COP32) sanadka 2027, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku dhowaaqay furitaanka Shirweynaha Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2) ee Addis Ababa Isniintii.
Khudbadiisa furitaanka, Abiy ayuu xusay dadaallada deegaanka ee Itoobiya iyo mashaariicda gobolka, oo ay ku jiraan ololaha Dhaxalka Cagaaran ee geed-beerista iyo Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), isaga oo ku tilmaamay tusaale muujinaya awoodda Afrika ee xalinta caqabadaha cimilada.
“Waxaana si sharaf leh u soo bandhigeynaa dalabka Itoobiya ee ah in ay martigeliso COP32 sanadka 2027,” ayuu yiri Abiy.






