Addis Ababa 21 December 2025 (Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday bilowga istaraatiijiyadda Dijitaaleynta Itoobiya ee 2030, taas oo ah qorshaha lagu dardargelinayo isbeddel dhammaystiran oo dhanka nidaamka dijitaalka ah, kaddib markii ay sheegtay inay si weyn u hirgelisay yoolashii ku xusnaa qorshihii hore ee ku mudeysanaa 2025
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in istaraatiijiyaddan cusub ay diiradda saarayso ballaarinta adeegyada dijitaalka ah , hubinta sinnaanta fursadaha muwaadiniinta, iyo xoojinta kalsoonida u dhexeysa dowladda iyo muwaadiniinta, waxa uuna ku tilmaamay aas-aaska lagu dhisayo dhaqaale dijitaal ah oo loo dhan yahay.
Abiy Axmed ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay xoogga saari doonto horumarinta kaabeyaasha dijitaalka ah ee dadweynaha, si loo abuuro awoodo qaran oo dhanka tiknoolajiyadda ah, loona wanaajiyo tayada nolosha iyo hufnaanta adeegyada guud ee ay helaan muwaadiniintu.



