Addis Ababa (Dawan)- Intii u dhaxaysay 1 Janaayo iyo 20 Oktoobar 2024, in ka badan 7.3 milyan oo xaaladood oo cudurka duumada ah ayaa laga diiwaan geliayay Itoobiya. 1157 oo ka mid ah dadkaas ayaa dhintay, sida ay sheegtay Hay'adda caafimaadka Adduunka ee WHO.
Waa ًtiradii ugu badneed ee la xiriirta cudurka duumada oo laga diiwan geliyay Itoobiya toddobadii sano ee la soo dhaafay.
Hay'addu waxay intaas ku dartay in ku dhawaad 75% dhulka lagu noolyahay ay ka jirto dhibaato ba'an oo la xiriirta cudurka duumada, taas oo keentay dhimasahda 20% carruurtda ay da'doodu ka yartahay shan sano.
Afarta gobol ee ugu badan ayaa kala ah; Oromia (44% xaaladood; 667 dhimasho), Amxaarada (18% xaaladood; 56 dhimasho ah), Koonfur Galbeed (12% xaaladood; 250 dhimasho ah) iyo Dowlad Deegaanka Koonfurta Itoobiya (7% xaaladood; 45 dhimasho ah).
Raggu waxay ka yihiin 56% kiisaska bukaan-socodka halka 52% ay ka yihiin bukaan-jiifka. Carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano ayaa ah 16% kiisaska bukaan-socodka iyo 25% bukaan-jiifka. Tirada badan ee dhanka ragga ayaa lagu sababeeyay socodokooda badan maadama ay shaqo u raadsadaan deegaano kala duwan.
Caqabadaha kale ee ka qayb qaadanaya in duuamdo faafto, waxaa ka mid ah inuusan dalakas ka jirin adeeg caafimaad oo xoog badan iyo dadku aysan si degdeg ah u heli karin dawooyinka lagama maarmaan u ah noloshooda.





