Addis Ababa (Dawan)- Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa diiday codsi ahaa in dammaanad lagu sii daayo wasiiru dowlihii hore ee Nabadda, Taye Dendea, kaasoo xabsi ku jira kadib markii lagu soo eedeeyay dhowr dacwo oo ay ka mid tahay inuu si sharci darro ah u haystay hub.
Taye, oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii December 2023, ayaa lagu eedeeyay inuu faafiyay intii uu ahaa wasiiru-dawlaha Nabadda farriimo dacaayad ah oo lagu taageerayo kooxaha kasoo horjeeda dowladda.
Dacwadaas waxaa ka bari yeeshay maxkamadda iyada oo sheegtay in qoraalladiisa baraha bulshada iyo wareysiyada uu siiyay warbaahinta inay yihiin kuwo xaq dastuuri ah oo uu ku cabbiri karo ra'yigiisa. Si kastaba ha ahaatee, maxkamaddu waxay heshay caddaymo ku filan oo lagu sii wadi karo eedeynta ah inuu haystay hub sharci-darro ah, waxayna ku amartay Taye inuu u diyaar garoobo is difaacid.





