Addis Ababa (Dawan)- Xaaladda magaalada Gambela ee dalka Itoobiya ayaa kacsan maanta kadib markii shalay xabbado lagu furay askari ka tirsan ciidamada ilaalada waddooyinka.Sida uu sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka , askariga ayaa xabbado lagu furay shalay abbaara 10:20 subaxnimo, isaga oo ku sugan afaafka hore ee hotel Grand oo ku yaal maagalada Gambella.Askariga oo lagu magacaabo Chuol Gatkuoth waxaa soo gaaray dhaawac culus oo dhanka qoorta ah, waxaana laga deyrinaya xaaladdiisa caafimaad, iyada oo ay jiraan warar kale oo sheegaya inuu dhintay balse la qarinayo si loo dejiyo xaaladda deegaanka.
Gobolka Gambella ayaa tan iyo bishii May ee sannadkii hore waxaa ku soo badanayay colaadaha beelaha wada dega, ka dib markii ay ka dhaceen rabshado ay ku dhinteen dad rayid kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.






