Addis Ababa (Dawan) — Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Itoobiya ee qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa ka digay halista kusoo food leh nolosha in ka badan 1.1 milyan oo qaxooti ah oo ku sugan gudaha Itoobiya , iyadoo la filayo in adeegyo aasaasi ah ay istaagaan toddobaadyada soo socda, haddii aan si degdeg ah loo helin taageero maaliyadeed oo cusub.
War-saxaafadeed kasoo baxay hay'adahaan ayaa lagu sheegay in hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimid howlgallada gurmadka bani’aadannimo ay saamayn toos ah ku yeelatay helitaanka cunto, daryeel caafimaad, biyo nadiif ah iyo adeegyada lagu ilaaliyo qaxootiga.
Hay’aduhu waxay tilmaameen in Itoobiya, oo ah dalka labaad ee Afrika ugu martigelinta badan qaxootiga, ay wajahayo xaalado adag oo isa soo taraya, sababo la xiriira colaadaha ka socda Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale barakaca ka dhashay abaarta Soomaaliya, xilli ay si weyn u yaraadeen taageeradii la heli jiray. Sida lagu sheegay bayaanka, gargaaradii degdegga ahaa ayaa hoos u dhacay ku dhowaad 70 % sannadka 2025, taasoo sabab u ah farqiga dhaqaale.




