Qaahira – 26 Diseembar 2025 (Dawan)- Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul-Qeyt, ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo faragelin ah” oo si cad uga hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, isla markaana halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Bayaan ka soo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay jebin cad oo lagu sameeyay mabda’a midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dowladaha, taas oo tiir-dhexaad u ah axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka xiriirka caalamiga ah.
Abul-Qeyt ayaa xusay in tallaabadan ay kusoo beegantay xilli Israa’iil ay ku lug leedahay xadgudubyo joogto ah oo ka dhan ah xuquuqda shacabka Falastiin, isla markaana ay iska indhatirayso go’aamada sharciyadda caalamiga ah, taas oo uu ku tilmaamay dhaqan khatar ah oo wiiqaya xasilloonida gobollada.


