Mandheera (Dawan) — Jaamacadda Islaamiga ah ee Kenya ayaa si rasmi ah u daah-furtay farac jaamacadeed oo cusub oo laga hirgeliyay ismaamulka Mandheera, taas oo ah tallaabo lagu horumarinayo ballaarinta waxbarashada jaamacadeed ee gobollada xuduudaha dalka.
Faraca cusub, oo ku shaqayn doona magaca Kulliyadda Islaamiga ah ee Afaa, ayaa noqon doona xarunta ugu weyn ee barnaamijyada tacliinta iyo tababarrada ardayda ee Mandheera. Kulliyaddu waxay marxaladda hore bixin doontaa barnaamijyo asaasi ah oo la xiriira shareecada Islaamka iyo afka Carabiga, si loo xoojiyo waxbarashada diinta iyo luqadda ee gobolka.
Furitaanka xaruntan ayaa la filayaa in ay si weyn u wanaajiso helitaanka waxbarashada sare ee ardayda Mandheera iyo deegaannada ku dhow, maadaama ay yareynayso baahida safarro dhaadheer oo ay ardaydu u geli jireen jaamacadaha waaweyn ee dalka ama dibadda.
Guddoomiyaha Guddiga Jaamacadda, Sheekh Maxamed Calasow , ayaa sheegay in jaamacaddu heshay axdigeedii rasmiga ahaa sanadkii 2024, kaas oo uu siiyay Madaxweynaha Kenya William Ruto. Wuxuu ugu baaqay dhallinyarada Mandheera in ay ka faa’iideystaan fursaddan waxbarasho si ay u dhistaan mustaqbalkooda aqooneed iyo xirfadeed.





