Muqdisho, 23 Diseembar 2025 (Dawan)- Jaamacadda SIMAD ayaa kaalinta koowaad ka gashay jaamacadaha ugu wanaagsan Soomaaliya sanadkii labaad oo xiriir ah, sida ku cad qiimeynta jaamacadaha Carabta ee sanadka 2025, oo ay sameeyeen Ururka Midowga Jaamacadaha Carbeed oo kanaashanaya Ururka Jaamacadda Carabta ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska.
Qiimeyntan, oo ay ku tartameen in ka badan 230 jaamacadood oo ku kala yaal wadamada Carabta, ayaa sidoo kale Jaamacadda SIMAD ka gelisay kaalinta 103-aad guud ahaan jaamacadaha Carabta, iyadoo 10 darajo kor ugu kacday marka la barbardhigo sanadkii hore, taasoo muujinaysa horumar joogto ah oo dhinaca tayada waxbarashada iyo cilmi-baarista ah.
Heer qaran, Jaamacadda Muqdisho ayaa gashay kaalinta labaad ee jaamacadaha Soomaaliya, balse 69 darajo ka hooseysa SIMAD marka loo eego qiimeynta Carabta, iyadoo ku jirta kaalinta 172-aad. Jaamacadda Jamhuuriya, oo kaalinta saddexaad ka gashay dalka, ayaa ku jirta kaalinta 218-aad, halka Jaamacadda Zamzam, oo afaraad ka noqotay Soomaaliya, ay gashay kaalinta 224-aad guud ahaan jaamacadaha Carabta.
Qiimeyntu waxay ku salaysnayd afar tiir oo waaweyn: tayada waxbarashada, cilmi-baarista, hal-abuurka, iyo doorka bulshada. Jaamacadda SIMAD ayaa heshay 182.4 dhibcood, taasoo ka dhigtay jaamacadda ugu sarreysa dalka marka la eego halbeegyadaas.
Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariin Muxuddiin Axmed, oo la hadlay Dawan, ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay istaraatiijiyad fog iyo go’aan adag oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada sare ee Soomaaliya.



