Jabuuti (Dawan) — Dowladda Jabuuti ayaa magaalada Dikhil ka daahfurtay barnaamijyo horumarineed oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay bulshooyinka ku nool deegaannada fogfog ee ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday.
Barnaamijka oo ay hirgelinayso Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Taranka Xoolaha, laguna magacaabo PGIRE, ayaa diiradda saaraya sugidda amniga cuntada, horumarinta caafimaadka xoolaha, iyo tayeynta wax-soo-saarka beeraha, si loo kordhiyo adkaysiga beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada gobollada gudaha dalka.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda, barnaamijku wuxuu bixinayaa agab isugu jira cuntada xoolaha, qalabka beeraha ah, matooro ku shaqeeya tamarta qorraxda oo loogu talagalay waraabka beeraha, iyo dawooyin xoolaha ah, kuwaas oo lagu gaarsiin doono shanta gobol ee dalka, inkastoo Dikhil loo doortay inuu noqdo goob tijaabo ah.
Waxaa sidoo kale la qorsheeyay in in ka badan 4,000 xoolo-dhaqato lagu taageero qaybin galley iyo qamadi ah, iyadoo loo marayo mashruuca PURSCA, si wax looga qabto saameynta abaarta iyo hoos u dhaca quudinta xoolaha.





