Paris (Dawan) – Xiriirka diblomaasiyadeed iyo baarlamaan ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Faransiiska ayaa sii xoogeysanya, kadib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay magaalada Paris Madaxweynaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita, oo kulamo muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska, Marwo Yaël Braun-Pivet.
Booqashadan ayaa ku beegan Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Baarlamaanka ee Ururka La Francophonie (APF), oo Jabuuti ay ka qeeb tahay 28 wufuud baarlamaan oo caalami ah oo ka qeybgalaya fadhigan muhiimka ah ee lagu qabnayo caasimadda Faransiiska.
Intii uu socday kulanka labada masuul, waxaa si toos ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka baarlamaanada labada dal, la dagaallanka caqabadaha amni ee Geeska Afrika, iyo kaalinta labada dal ay ku leeyihiin horumarinta is-dhexgalka dalalka ku hadla afka Faransiiska. Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday heshiiskii difaaca ee dhowaan labada dowladood kala saxiixdeen, kaasoo lagu xoojinayo iskaashiga amni ee labada dhinac.
“Booqashadan waa mid dhisaysa kalsooni iyo wadahadal toos ah oo dhexmara labada baarlamaan, waxayna muujinaysaa xiriirka wax-ku-oolka ah ee salka ku haya qiyamka la wadaago ee Francophonie,” ayuu yiri ilo baarlamaan oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Baarlmanaka Jabuuti.





