Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee Arbacada kusoo dhaweeyay madaxtooyada dalkaas dhiggiisa dalka Guinea Bissau, Umaro Sissoco Embaló, oo booqasho qaadaneysa 48 saacadood ku jooga dalka Jabuuti.
Labada Madaxweyne ayaa yeeshay kulan gaar ah oo albaabadu u xiranyihiin kadibna waxa ay kulan guud la qaateen mas'uuliyiin kala duwan oo labada dal ah.
Wada xaajoodyada labada dhinac kadib ayaa la isla meel dhigay heshiiska qaab-dhismeed iskaashi oo ku sallaysan qiyamka guud, faa'iidooyinka laba geesoodka ah iyo dheelitirka danaha labada dal.Madaxweyne Geelle oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa booqashadii uu dhiggiisa Guinea-Bissau ku tagay dalka Jabuuti ku tilmaamay mid muujinaysa rabitaankooda lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya labada waddan.“Kala daadsanaanta dhaqaalaha Afrika ee hadda jira ma ahan mid la aqbali karo gaar ahaan marka la eego baahiyaha muhiimka ah ee dadkeenna oo aan la dabooli karin haddii aysan Dowladuhu yeelanin iskaashi dhow" ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.Geelle ayaa rajo ka muujiyay iskaashiga laba Dowladood gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, Gaadiidka, Waxbarashada, Kalluumeysiga, Beeraha, Caafimaadka iyo Tamarta.

Madaxweyne Umaro Sissoco Embaló, ayaa dhankiisa soo bandhigay isku ekaanshaha badan oo ay wadaagaan Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Guinea-Bissau marka la eego dhaqanka, qaab nololeedka iyo koboca dhaqaalaha.




