Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Jabuuti, isagoo ay wehelinayeen wafdi heer sare ah oo ka socda Itoobiya. Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Jabuuti, halkaas oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, Mahamoud Ali Youssouf, uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa.
Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac, iyadoo maanta la filayo in la qabto wada-hadallo sare oo looga arrinsanayo iskaashiga dhaqaale, ganacsiga, iyo nabadgelyada gobolka Geeska Afrika.
Horumarinta Iskaashiga Laba Geesoodka ahLabada wasiir ayaa bartiisa X ku xaqiijiyay muhiimada booqashadan. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gedion, ayaa ku sheegay inay kulamo muhiim ah la yeelan doonaan madaxda Jabuuti, halka Wasiir Mahamoud uu ku tilmaamay fursad dib loogu qiimeynayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal.
Itoobiya iyo Jabuuti waxay leeyihiin xiriir istiraatiiji ah oo ku qotoma dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda. Ku dhawaad 90% badeecooyinka Itoobiya waxay ka soo galaan dekedaha Jabuuti, halka Itoobiya ay tahay taageere muhiim ah oo kobcinta dhaqaalaha Jabuuti.





