Jabuuti (Dawan)- Saafaradda Itoobiya ee dalka Jabuuti ayaa soo agaasintay munaasabad lagu xusayay xiriirka iyo saaxibtnimada ka dhaxeysa Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya.
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiin ka kala socday labada dal, diblomaasiyinta fadhigeedu ayahy Jabuuti iyo marti sharaf kale
Safaaradda Itoobiyo ayaa soo bandhigtay keed taarikhi ah oo iskugu jiray qoraalo, sawiro iyo muqaalo kuwaas oo ka turjumayey xiriirka labada dal ee soo jiray muddada dheer.
Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Jabuuti, Yusuf Muuse Dawaale oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in iskaashiga saaxibtinimo ee Itoobiya iyo Jabuuti ee dhanka dhaqaalaha ah inuu sameeyay kobac ballaaran kaas oo qeyb ka qaatay horumarka labada dal.
Guddoomiyaha ayaa intaas raaciyay, in Dowladda Jabuuti ay hirgelisay dekado casri ah kuwaas oo suurta geliyay in ay ka faa'iideystaan Dowladaha deriska ah sida Itoobiya
Jabuuti waxay xoogga saartay dekedaheeda tan iyo bishii May 1998, markaas oo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi uu go’aansaday inuu dhammaan badeecadaha dalkiisa u wareejiyo dekedda Jabuuti kadib markii ay dagaalkii Eritrea ku waayeen dekaddii Assab .



