Jabuuti (Dawan) – Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) ayaa Isniintii ku dhawaaqay in heshiis is-afgarad (MoU) ay la saxiixdeen Dowladda Koonfurta Suudaan, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta isku xirka gobolka iyo horumarinta marinka ganacsiga ee White Nile.
Heshiiskan ayaa lagu saxiixay Jabuuti, waxaana kala saxiixday Abuukar Cumar Haadi, Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha Jabuuti, iyo Lam Akol Ajawin, Wasiirka Gaadiidka ee Koonfurta Suudaan, iyadoo goobjoog ka ahaa Xasan Xaamud Ibraahim, Wasiirka Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Jabuuti.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Maamulka Dekedaha Jabuuti, heshiiska ayaa diiradda saari doona maalgelinta iyo horumarinta dekedaha webiga iyo kuwa qalalan ee Koonfurta Suudaan, si loo xoojiyo isku-dhafka gaadiidka, fududeynta ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka.
“Heshiiskan wuxuu astaan u yahay tallaabo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah iyo kobcinta isku xirnaanta gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Maamulka.





