Jabuuti (Dawan)- Ra'iisul Wasaaraha dalka Jabuuti, Cabduqaadir Kaamil Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dalka Libya u qaabilsan Jabuuti, Cabdimuncim Maxameed Yuunis.
Ra'iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Libya.
Cabduqaadir Kaamil Maxamed ayaa ballan qaaday in xukuumadda Jabuuti ay diyaar u tahay in ay Safiirka u fududeyso howsha loo soo igmaday si uu u guto waajibaadkiisa.
Dhankiisa Safiirka Libya ayaa carrabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono kor u qaadista xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labda dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashiga dhinacyo cusub oo dan u wada ah labada shacab.



