Jabuuti, 29 December 2025 (Dawan) – Jabuuti iyo Masar ayaa Sabtidii kala saxiixday saddex heshiis oo iskaashi ah oo ku saabsan tamarta qoraxda laga dhaliyo, kaabayaasha dekedaha, iyo adeegyada saadka, kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku tegay Jabuuti Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha ee Masar u qaabilsan Horumarinta Warshadaha ahna Wasiirka Warshadaha iyo Gaadiidka, Kaamel Al-Wasiir. Wafdigaan ayaa wada xaajood la yeeshay Wasiirka Kaabayaasha iyo Gaadiidka Jabuuti, Xasan Humed Ibraahim, iyo Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah, Abuubakar Cumar Hadi.
Heshiiska koowaad, waxaa loo qorsheeyay in lagu dhiso warshad tamar qorax ah oo oo soo saari karta 23 megawatt ah oo leh nidaam kaydinta batteriga, iyadoo mashruucu ku fadhiyo 30 hektar, kaas oo loogu tala galay inuu koronto siiyo dekedda Doraleh.
Heshiiska labaad waxaa lagu dhisaya terminal cusub oo loogu tala galay in lagu keydiyo konteenarrada, waxa uuna ku fadhiya dhul dhan a 1,450 mitir , taasoo kor u qaadeysa soo jiidashada Dekedda Jabuuti.
Heshiiska saddexaad wuxuu ku saabsan yahay kirada dhul gaaraya 10 hektar kaas oo loogu tala galay in lagu fududeeyo dhoofinta iyo alaabooyinka Masar. mashruucan ayaa la filaya inuu abuuro fursado shaqo oo gudaha ah.






