Jabuuti, 29 Sebteembar 2025 – Dowladda Jabuuti ayaa Axaddii kala saxiixatay Midowga Yurub laba heshiis oo maalgelin ah oo wadartoodu dhan tahay €7 milyan (u dhiganta $7.6 milyan), kuwaas oo lagu taageerayo horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha, isla markaana lagu xoojinayo hirgelinta siyaasadaha guud ee mudnaanta leh.
Heshiisyadan waxaa magaalada Jabuuti ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Ilyas Moussa Dawaleh, Wasiirka Arrimaha Bulshada Muuna Cusmaan, iyo Safiirka Midowga Yurub ee Jabuuti, Dr. Denisa Elena-Ionete.
Wasiir Dawaleh oo ku dhawaaqay heshiisyada ayaa sheegay in €5 milyan lagu bixin doono barnaamijyada daryeelka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha, halka €2 milyanna lagu taageeri doono kormeerka iyo hirgelinta siyaasadaha guud.





