Qatar, 22 September 2025 – Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Jabuuti, Radwan Cabdillahi Bahdon, ayaa Axaddii kulan kula yeeshay magaalada Doha Hamed Ben Thamer Al Thani, oo ah Maareeyaha Guud ee Shirkadda Warbaahinta Qatar, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Jabuuti.
Shirkadda Warbaahinta Qatar waa hay’adda warbaahineed ee dowladda Qatar, oo maamusha telefishinka qaranka, idaacadaha iyo barnaamijyo kale oo warbaahineed.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jabuuti (ADI), wada-hadallada ayaa ku saabsanaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya telefishinka dowladda Jabuuti (RTD) iyo hay’adaha warbaahineed ee Qatar, iyadoo diiradda la saarayo tababar, taageero farsamo iyo qalab.





