Jabuuti (Dawan)- Isbaheysiga Maalgashadayaasha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la saxiixday dowladda Jabuuti heshiis ku saabsan maalgashiga dhul baaxaddiisu la egtahay 120 kun oo miter oo laba jibbaaran.
Dhulkaan oo ku yaal Goobaha ka caagan canshuurta ee dekedda Jabuuti, ayaa ah wejigii koowaad ee ganacsatada Sacuudigu ku billaabayaan maalgashigooda, wuxuuna socon doona muddo 92 sano ah.
Goobtan ayaa laga dhisi doona warshado, goobo ganacsi, dhismooyin kale iyo goobo wax lagu kaydiyo.
Heshiiskan ayaa yimid kadib dadaallo badan oo ay sameeyeen labada dhinac sidii la isaga kaashan lahaa ganacsiga iyo maalgashiga, waxaana lagu howlana ka mira dhalinta heshiiskan labadii sano ee lasoo dhaafay, sida uu sheegay Abuukar Cumar Xadi, oo ah Guddoomiyaha Maamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka caagan canshuurha ee Jabuuti.

Ganacsatada Sacuudiga ee booqashada ku tagtay Jabuuti, waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga dalkaas Xasan Binu Mucjab Al-Xuwayzi iyada oo ay weheliyeen in ka badan (100) ) ganacsato ah iyo wakiillada qaar ka mid ah hay'adaha dowladda.
Sacuudiga ayaa doonaya inuu ka faa'iideysato dekedda Jabuuti oo kaalin wayn ka qaadata is-weydaarsiga dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika iyo dunida kale.





