RIYAAD, Sacuudiga – Safiirka Jabuuti ee Riyaad, Diyaa’udiin Baamakhrama ayaa 19 May 2025 la kulmay Ku-Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Waleed El-Khereiji.
Sida ay sheegtay wakalaada Wararka Jabuuuti Kulankan ayaa diiradda lagau saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka muddo dheer ee labada dal, oo ku saleysan juqraafi, is-dhexgal dhaqan, iyo isku-xirnaanta siyaasadeed.
Wakaalada waxa ay intaas ku dartay in Intii lagu guda jiray kulanka, labada diplomasi ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga, iyagoo muujiyay xiisaha labada dal ee ah in la xoojiyo wada shaqeyn xooggan.






