Jabuuti (Dawan)- Dowladaha Jabuuti iyo Shiinaha ayaa dib u cusbooneysiiyay iskaashigooda dhinaca caafimaadka ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Jabuuti, Hu Bin ay kala saxiixdeen heshiis cusub oo ujeedadiisy tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dowladood.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa uga mahad celiyay dowladda Shiinaha dib u cusboonaysiinta heshiiska labada dhinac, isaga oo sheegay in Shiinuhu inta badan u soo diro dhaqaatiirta takhasuska leh ee ka hawlgala cisbitaalada waaweyn ee caasimadda iyo dalka intiisa kaleba.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in dhaqaatiirta Shiinaha ay ka howlgalayeen qaar ka mid ah cisbitaallada muhiimka ah ee Jabuuti tan iyo 1981-kii halka labada dal ay wadaagaan 45 sano oo xiriir diblomaasiyadeed ah.
Dhanka kale, Safiirka Shiinaha ee Jabuuti ayaa tilmaamay in dib u cusbooneysiinta heshiiska dhanka caafimaadka ay ka dhigantahay sii dardargelinta wadashaqeynta kor loogu qaadayo xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.
Bishii February ayay ahayd markii dowladda Jabuuti ay xariga ka jartay cisbitaal cusub oo bixin doona daryeelka caafimaad ee kala duwan, oo ay ku jiraan dawooyinka guud, qalliimada, daweynta cudurada wadnaha, carruurta, neerfaha, iyo daryeelka cudurada kale ee aadanaha ku dhaca.



