Jabuuti, 22 December 2025 (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa galabtii Isniinta qaabilay ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Antonio Tajani, iyada oo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada waddan ee dhinacyada warshadaha, beeraha, iyo horumarinta dekedaha.
Kulanka waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray mashaariicda iskaashiga ee Jabuuti iyo Talyaaniga, iyadoo la isla gartay in la kordhiyo is-dhaafsiga khibradaha dhinacyada warshadaha, dekedaha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Tajani ayaa sheegay in Talyaaniga uu go’aansaday in la ballaariyo iskaashiga la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo amniga gobolka.






