Ankara (Dawan)- Wasiirka Difaaca Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas, Yaşar Güler, iyada oo labada Wasiir ay kawada hadleen sidii loo xoojin laha xiriirka labada dal ee dhinaca ciidanka.
“Wasiirka Difaaca Qaranka Yaşar Güler ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Wasiirka Difaaca Qaranka Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, oo booqasho rasmi ah ku yimid Ankara, iyada oo loo sameeyay munaasabad soo dhaweyn ah. Labada Wasiir waxa ay wada yeesheen kulan laba geesood ah,” ayaa lagu yiri, qoraal lasoo dhigay Barta X ee Wasaaradda Difaaca Turkiga.
Kulanka kadib, waxa ay Labada dhinac kala saxiixdeen dhowr heshiis ah oo isagu jira Heshiiska Iskaashiga Tababarka Ciidanka, Heshiiska Iskaashiga Maaliyadeed ee Milatariga iyo Hab-maamuuska Dhaqangelinta Kaalmada Lacageed.
Iskaashiga Jabuuti iyo Turkiga
Shirkii shanaad ee Guddiga dhaqaalaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa dhawaan ka qabsoomay, iyada oo ay shir gudoomiyeen Wasiirka Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Turkiga Cabdulqaadir Uraloğlu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Kulanka oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Jabuuti, ayuu Wasiirka Gaadiidka Turkigu tilmaamay horumraka laga gaaray iskaashiga labada Dowladood tan iyo markii ay is dhaafsadeen furitaanka safaaradaha oo laga joogo muddo toban sano ah.
Wasiirka ayaa sheegay in isweydaarisaga ganacsiga ee labada dal inuu gaaray $500 milyan, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in lasii kordhiyo mustaqbalka dhaw.
Wasiir Uraloğlu ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay goobta juquraafiga ah ee Turkiga iyo fursadda uga bannaan Jabuuti, waxa uuna yiri ” Waxaan xiriir la leenahay wadamo badan oo caalamka ah. Diyaarada Turkish Airlines ayaa duulimaad ku tagtaa 130 wadan iyo 343 goobood. Tani waxay sidoo kale fursad muhiim ah u tahay Jabuuti oo uga faa’iideysan karta in ay caalamka u furanto”

Marka la eego mashaariicda uu Turkigu fuliyo, Uraloğlu waxa uu tilmaamay in dalkiisu uu dhawaan Jabuuti ka hirgeliayay deegaan lagu magacaabo “Aagga Istanbul” iyada oo sidoo kale laga shaqeynayo dhismaha Masjidka Cabdul Xamiid.
Hay’adda Horumarinta Turkiga ee TIKA ayaa sidoo kale qorsheyneysa in ay Jabuuti ka fuliso mashaariicda adeegyada dadweynaha sida Isbitaal, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka Turkiga.


