Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.
Fidan ayaa Jabuuti uga qayb galay labadi maalin ee lasoo dhaafay shirki seddexaad ee dib-u-eegista wasiirrada ee iskaashiga Afrika iyo Turkiga.
Laba dhinac ayaa kawada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo isdhaafsiga iskaashiga dhinacyada horumarka, waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo dhaqaalaha.
Waxaa la isla gartay sidoo kale in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyada oo laga amba qaadayo kaalinta ay Jabuuti ka qaadato xasiloonida gobolka.
Hakan ayaa madaxweynaha uga warbixiyay hab-raacyada dhaqan-gelinta ee lagu dejiyay shirkii seddexaad ee dib-u-eegista Iskaashiga Afrika iyo Turkiga si loo sii wado hirgelinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee Turkiga kala dhexeeya qaaradda Africa.
Isweydaarisaga ganacsiga ee labada dal ayaa gaaray $500 milyan, iyada oo Turkigu hadda qorsheynayo inuu dalka Jabuuti ka hirgeliyo hannaan maalgashi oo ballaaran, gaar ahaan dhanka tamarta iyo dhismaha haamaha ee dekedda Damerjog.
Maalgashadayaasha Turkiga ayaa ka fuliyay Jabuuti 21 mashruuc oo qiimahoodu dhan yahay $205 milyan, waxeyna qorsheynayaan in ay sii dardargeliyaan maalgashiga iyo mashaariicda ay ka wadaan Jabuuti.




