Jabuuti ( Dawan)- Dowladda Jabuuti iyo Hay'adda u qaabilsan Qaramada Mdiobay arrimaha carruurta ee lagu magcaabo UNICEF ayaa kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo laguna ilaalinayo arrimaha xuquuqda carruurta.
Heshiiska waxaa Jabuuti u saxiixay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dileyta Maxamed Dileyta , halka UNICEF ay u saxiixda Marwo Beate Dastel, oo ah wakiilka hay'adda ee dalka Jabuuti.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda iskaashiga u dhaxeeya Golaha Baarlamaanka iyo hay'dda UNICEF iyo sida ay uga go'antahay dowladda Jabuuti in ay ka qeyb qaadato dadaallada caalamku ugu jiro sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda carruurta.
Dhankeeda, Beate Dastel, wakiilka UNICEF ayaa bogaadisay dadaalka dowladda Jabuuti ee ku aadan horumarinta xuuuqda carruurta, waxa ayna tilmaamtay in heshiiskaan kor usii qaadi doono iskaashiga Jabuuti iy Hay'adda si looga mira dhaliyo yoolalka ay Qaramada Midoobay u dejisay ilaalinta xuquuqda carruurta.



