Jabuuti (Dawan)- Si loo yareeyo waxyeellooyinka caafimaad ee ka dhasha isticmaalka maandooriyaha, Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa qabatay aqoon kororsi ku saabsan istiraatiijiyadda qaranka ee la dagaallanka cudurrada ka dhasha maandooriyaha, gaar ahaan tubaakada. Dadaalkan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo socon doona intuu u dhexeeyo 2024 ilaa 2028.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaalkan, iyadoo kulanka lagu soo bandhigay qorshayaal iyo tallaabooyin lagu wajahayo khatarta caafimaad ee ay tubaakadu leedahay. Wasiirka Caafimaadka Jabuuti ayaa xusay in dadaallada ka hortagga waxyeellooyinka tubaakada iyo maandooriyaha ay bilowdeen sanadkii 2007, iyadoo qorshuhu yahay in la yareeyo xanuunnada halista ah ee ka dhasha isticmaalka tubaakada.






