Jabuuti (Dawan)- Wafdi iskugu jira wasiiro iyo dilblomaasiyiin uu horkacayo Generaal Daariq Maxamad Saalax, Madaxweeyna ku xigeenka Dalka Yemen ayaa Jabuuti u jooga howlo shaqo, iyaga oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Wafdigaan ayaa Geelle kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dowladood iyo xaaladdii ugu dambeysay ee dalka Yeman oo dagaal ka socdo tan iyo wixii ka dambeeyay 2014.
Sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda Jabuuti, kulanka waxaa lagu gorfeeyay sidii looga shaqeyn lahaa dib usoo celinta nabadda iyo xasiloonida dalka Yeman.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Jabuuti uga go'antahay garab istaagga Yemen sidii ay markale cagaheeda ugu istaagi lahayd una ciyaari lahayd kaalintii ay ku lahayd Gobolka iyo calamka.
Dhankiisa, Madaxweeyna ku xigeenka Dalka Yemen ayaa sheegay in shacabka Yeman iyo Jabuuti ay wadaagaan taariikh, juguraafi iyo dhaqan soo jireen ah, iyada oo ay sidoo kale labada dowladood ay ku yaalaan marin biyoodka ugu muhiimsan amniga iyo dhaqaalaha caalamiga ah, Baab Al-Mandab.
Daariq Maxamad Saalax ayaa tilmaamay in kulanka looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa wax wada qabsiga labada dal, wuxuuna Jabuuti ku tilmaamay in ay ka mid tahay dalalka Carabta ugu muhiimsan ee taageera Jamhuuriyadda Yemen.





