Baku (Dawan)- Dowladda Jabuuti oo sanadihii ugu dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii ay uga hortegi lahayd saamaynta isbedelka cimilada ayaa seddex qorshe kusoo bandhigtay shirka ay soo qabanqaabisay Qaramada Midobbaay ee looga hadlayo isbedelka cimilada kana socda dalka Azerbaijan
Qorshaha koowaad ayaa ah soo bandhigidda mashaariicda mudnaanta leh, iyada oo xoogga la saarayo arrimaaha saamaynta ku leh horumarinta dhaqaalaha iyo yoolalka waara sida dekedaha.
Soo jiidashada Maalgashiga Caalamiga ah, ayaa ah qorshaha labaad, waxaana xoogga lagu saaraya muujinta fursadaha maalgashi ee tamarta la cusboonaysiin karo, iyo kaabayaasha si looga mira dhaliyo hiigisga Jabuuti ee ah in la gaaro 100% tamarta la cusboonaysiin karo taas oo gacan ka geysan karta bartilmaameedyada looga hortegayo isbedelka cimilada adduunka.





