JABUUTI (Dawan ) – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u dirtay 373 askari oo qeyb ka ah kaalmadeeda howlgalka kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Cutubkan cusub ayaa lagu wadaa inuu xoojiyo joogitaanka ciidamada Jabuuti ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud
Ciidamada ayaa la diray waaberigii hore ee arbacada, iyagoo ka ambabaxay garoonka caalamiga ah ee magaalada Jabuuti, kadib munaasabad sagootin ah oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sar sare, oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida, General Zakariye Sheekh Ibraahim.
Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Jabuuti, ciidamada cusub ayaa xoojinaya guutooyin horey uga howlgalayay bartamaha Soomaaliya gaar ahana , kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AUSSOM.






