Jabuuuti, 20 Oktoober 2025 - Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) ayaa ka qaybqaadatay hawlgal badbaadin ah oo Axaddii loo sameeyay dad saarnaa markab wata calanka Kameruun lagun amagacaabo MV Falcon, kaas oo dab qabsaday isla markaana ku hakaday badda xilli uu ku sii jeeday Jabuuti.
Dhacdadan ayaa ka dhacday qiyaastii 113 mayl koonfur-bari kaga beegan Dekedda Aden ee dalka Yemen. Markabka waxa saarnaa 26 shaqaale — hal qof oo u dhashay Yukreyn iyo 25 qof oo Hindi ah — kuwaas oo uu qarax gudaha markabka ka dhacay sababay dab xooggan.
Sida ay sheegtay Hay’adda Dekedaha Jabuuti, 24 shaqaale ayaa si nabad ah uga badbaaday markabka, waxaana soo samata bixiyay markab kale oo gaas sida, MV Meda, kaas oo kaashanayay hay’adaha badda ee Jabuuti. Laba shaqaale ayaa weli la la’yahay.







