Jabuuti, 01 Oktoobar 2025 (Dawan Africa) – Maamulka Jabuuti iyo shirkadda maraakiibta ee Spliethoff ayaa xaqiijiyay in dhammaan 19 shaqaale oo saarnaa markabka M/V Minervagracht ee laga leeyahay Nederland la badbaadiyay, kadib markii uu ku dhacay qarax aan weli la garan halka uu ka yimid, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed.
Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah Jabuuti (DPFZA) ayaa sheegay in gargaar degdeg ah loo fidiyay shaqaalihii markabka, weerarkuna uu dhacay Isniintii, xilli uu markabku marayay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.
Markabka, oo dekeddiisii ugu dambaysay ahayd Durban ee Koonfur Afrika, ayaa kusoo xirtay Doraleh Multipurpose Port (DMP) ka hor inta uusan u sii gudbin dekedda Jebel Ali ee Imaaraadka Carabta.
Warbixinno hore ayaa tilmaamay in markabku watay ku dhowaad 1,077 metric tonnes oo shixnad ah, oo ay ku jireen gaadiid iyo konteenarro.





