Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Sri Lanka, Ranil Wickremesinghe, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Ciise Cabdullaahi Casuume oo noqon doona Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhi doona Sri Lanka, iyadoona xaflada soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada dalkaas.
Danjire Ciise Cabdullaahi Casuume ayaa farriin uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle guuddoonsiiyay Madaxweynaha Sri Lanka, isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dowladood.
Dhankiisa, Madaxweynaha Sri Lanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay magcaabista Danjiraha cusub si sare loogu qaado xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.






