Jabuuti (Dawan)- Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee dalka Jabuuti ayaa beenayay warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in cudurka MPox ( Monkeypox) uu soo gaaray deegaano ka mid ah dalkaas.
"Ilaa iyo hadda, ma jiraan kiisas la xaqiijiyey oo MPox ah oo Jabuuti ka dhacay" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Machadka
Machadka ayaa intaas ku daray in hay'adaha caafimaadka Jabuuti ay si dhow ula socdaan xaaladda guud ee badqabka dadwaynaha iyada oo la kaashanayo hay'adaha caalamiga ah ee caafimaadka si loo ogaado loogana hortago cudurrada faafa sida MPox.
"Waxaan xasuusineynaa dadka inay isdejiyaan oo ay aaminaan kaliya xogta rasmiga ah ee kasoo baxda hay'adaha caafimaadka ee lagu kalsoon yahay" ayuu raaciyay Machadka Caafimaadka .
War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in hay'adaha caafimaadku ay qaadeen tillaabooyin lagu ilaalinayo caafimaadka dadwayanaha, iyada oo wixii soo kordha lala socod diin doono bulshada.




