Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa Isniintii si adag u beenisay eedeymaha uga yimid madaxda Somaliland ee ku saabsan in ay taageerto jabhad kasoo horjeedda maamulka Somaliland oo madaxdoou joogaan gudaha dalka Jabuuti.
Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Duwaleh ayaa ku tilmaamay eedeymahaas kuwo been abuur ah oo aan lahayn sal iyo raad toona, isagoo carrabka ku adkeeyay In Jabuuti ay kaalin wayn ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Waxaan ka xunahay eedaymaha been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ka imanaya madaxda Somaliland. Jabuuti waxey ka shaqaysaa wada jirka iyo is dhexgalka gobolka" ayuu yiri, Ilyaas.
Jabuuti ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ku aaddan faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka deriska ah, waxayna hoosta ka xariiqday doorka ay ka ciyaareyso wada-hadallada iyo iskaashiga gobolka.
“Aan si cad u bidhaamiyo, waxaan had iyo jeer ahaa doonaa fagaaraha wada hadallada gobolka, ee kama shaqayno kala qaybin. Waxaan qiimeynaa mabaadi'da wadajirka, mar walbana waan ka fogaana inaan fara gelino arrimaha gudaha ee dalalka deriska," ayuu Duwaleh hadalkiisa raaciyay.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in eedeyamaha hadda loo jeediyay dowladdiisa ay la midyihiin kuwii hore loogu jeediyay ee ahaa in ay Somaliland ka taageereen dagaalkii ka socday gobolka Sool, wuxuuna dhammaantood ku tilmaamay kuwa ben abuur ah, isag oo yiri;



